Fahamka qabatinka ama waxa loo yaqaano Addiction
Qabatinku waa xaalad khatar ah saamayyna kuleh qofka, qoyska iyo bulshadaba.
Qabtinku ma ahan kaliya isticmaalka maandooriyaha sida qaadka i.w.m, waxaa kale oo qabatin qofku la noqonkaraa baraha bulshada, lacag khasaarinta, ciyaarista gameska, dheelista khamaarka iyo waliba daawashada filmaanta xun xun.
Wareegtada Qabatinka
1. Isticmaalka hore: waxa uu qofku ku bilaabayaa si fudud isaga oo isaga maaraynaya culaysyada soo wajaha; sida stresska, dhaawac maskaxeed xanuun badan oo ku dhacay ama dareemihiisa oo uu xakamayn waayay
2. Kordhinta iyo ku celcelinta: Marba marka ka danbaysa waxaa qofka ku siyaadaya baahida shayga uu qabatimay waxaana kordhaya baahida ah in qofku ku tiirsanaado.
3. Cawaaqibka ama natiijooyinka: dhibaatada ka dhalata qabatinka oo kala noqonaysa jidh ahaan, dareemo ahaan, bulsho ahaan, kaas oo saamayn ku yeelanaysa xidhiidhada qofka iyo guud ahaan caafimaadkiisa.
Calaamadaha qabatinka
1. Isbeddelada ku dhaca hab-dhaqanka ama dareenka qofka
2. Ka-fogaanshiyaha hawlaha bulshada
3. Dayacaadda waajibaadka iyo shaqooyinka muhiimka ah
4. Kordhinta dulqaadka iyo rabitaanka maandooriyaha uu u qabo, xitaa qofka oo dareemaya dhibka uu u gaysanayo.
Muhiimadda ay leedahay inaad raadsatid caawinaad iyo la-talin caafimaadka maskaxda ah:
Qabatinka qaybtood la-talinta caafimaadka maanku waxay ka caawisaa;
1. In qofka uu helo meel ammaan ah oo lagu baaro arrimaha hoose ee keenaya qofka inuu yeesho qabatinka, sidoo kale laga caawiyo in la xalliyo.
2. Barista Xirfadaha lagu maareeyo dareemadiisa waxa kicinaya.
3. Taageero in loo fidiyo iyo in laga caawiyo dib u dhisidda xiriirada bulshada.
Rajo iyo Soo Kabasho:
Soo kabashadu waa suurtagal! Dad badan ayaa si guul leh uga adkaaday qabatin ay lahaayeen iyagoo adeegsanaya isku-gaynta, daawayn, la-talin caafimaadka maanka ah, koox ay iskaashadeen, iyo isbeddel ay ku sameeyeen noloshooda.
Ugu danbayn; Habka ugu fudud oo qabatin ku jari kartid ama ku yarayn kartid; waa inaad yaraysid waqtiga,xaddiga,lacagta iyo tamarta aad galinaysid shayga qabatinka ah, adigoo oo hadba ka sii yaraynaya intii hore, ilaa aad ka wada go’do.
W/Q KAABA MENTAL THERAPY

Qormo aan wax badan ka faaiiday